Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Odhinga oo ku dhawaaqay in uusan aqoonsanayn Dowlada Ruto
    Somalia

    Odhinga oo ku dhawaaqay in uusan aqoonsanayn Dowlada Ruto

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 23, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

    Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray “natiijo sharci darro ah” oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore.

    Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku dhisneyn.

    “Ugu horreyn, annagoo ah Azimio waxaan qaadacdnay natiijada doorashadii 2022. Ma aqoonsan karno mana aqoonsan doonno dowladda Isbahaysiga Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr Odinga.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Uma aqoonsanin Mr William Ruto in uu yahay madaxweynaha Kenya mana aqoonsanin dhammaan saraakiisha kale ee xafiiska la joogta.”

    Mr Odinga ayaa sheegay in isbahaysigiisu ay dalbanayaan in lasoo bandhigo dhammaan xogihii aasaasiga ahaa ee doorashadii 2022 ay ka sameeyeen guddiga doorashada ee IEBC markaas ka dibna uu guddi kale oo dhexdhexaad ah dib u eego.

    “Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo joojiyo isku day walba oo uu Mr Ruto keligiis dastuurka ugu sharciyeynayo guddiga IEBC taas baddalkeedana shacabka Kenya loo fasaxo in ay wadatashi ka sameeyaan dastuureynta guddiga doorashada,”Ayuu yiri Raila Odinga.

    We, as Azimio reject the 2022 election results. We can't and won't recognize the Kenya Kwanza regime and consider the Kenya Kwanza government illegitimate.

    We don’t recognize Mr. William Ruto as President of Kenya and we equally don’t recognize any officials in office with him. pic.twitter.com/wKYJTfmHTC

    — Raila Odinga (@RailaOdinga) January 23, 2023

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.