Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ONLF oo ku biirtay Isbahaysi Mucaarad oo Itoobiya laga Aas-aasay (Sawirro)
    Somalia

    ONLF oo ku biirtay Isbahaysi Mucaarad oo Itoobiya laga Aas-aasay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 23, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ONLF, Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi Maadey ayaa qalinka ku duugay kamid noqoshada isbahaysiga wayn ee la magac baxay Isbahaysiga Fadaraalka iyo Dimuqraadiyada (Alliance for Democractic Federalism – ADF) ee dhawaan dalkaas Itoobiya laga aasaasay.

    Heshiiska aasaaska isbahaysigan ayaa manta oo Khamiis ah lagu sixiixay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

    Isbahaysigan oo ah kii ugu horeeyay ee abid ka hirgala wadanka Itoobiya waxaa ku bahoobay ururo badan oo aaminsan nidaamka federaalka, xurriyada, sinnaanta, cadaalada iyo dimuqraadiyada.

    Ururadan isbahaystay oo dhamaantood aaminsan aayo ka tashiga dadkooda waxaa kamid ah isbahaysigii PAFD kaas oo ay kamid ahaayeen dhowr urur oo ONLF kamid tahay.

    Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasada iyo Xidhiidhka Heer Fadaraal ee ONLF mudane Xassan Muxumed Aw Macalim iyo hogaanka daryeelka iyo naafada ururkan marwo Khaalisa Ugaas Mahad oo qorshaha soo dhiraandhiriyay iyo madax kale oo ka tirsan Jabhada ONLF ayaa goob joog ka ahaa sixiixitaanka waraaqda kamid noqoshada isbahaysigan.

    Isbahaysigan Alliance for Democractic Federalism (ADF) ayaa noqonaya midka ugu balaadhan ee shacabku ay kumidaysan yihiin isla markaana u taagan xoraynta shucuubtooda si nabdoon, wuxuuna noqon doonaa midka u wayn ee qorshihiisu uu yahay in Itoobiya ay ku sii jirto nidaamka fedaraalka ah oo ay sheegeen in uu yahay wadada kaliya ee ay ku midoobi karaan shucuubta iyo qawmiyadaha kala duwan ee dalkaa ku nool.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.