Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Pakistan oo ku dhawaaqday inay soo riday Diyaaraddo ay lee dahay Hindiya.
    Somalia

    Pakistan oo ku dhawaaqday inay soo riday Diyaaraddo ay lee dahay Hindiya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KHASMIR (IDIL NEWS)-Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay soo riday labo diyaaradaha dagaalka ah oo ay leedahay Hindiya, kaddib markii ay gudaha u soo galeen hawadeeda.

    Xiisada u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa soo xoogeysaneysay saacadihii u dambeeyay, markii diyaaradaha dagaal ee Hindiya ay duqeyn ka geysteen gudaha Pakistan.

    Diyaaradaha dagaal ee Hindiya ayaa la sheegay inay soo galeen Hawada Kashmir qeybta ay Pakistan mamausho.

    Afhayeen u hadlay Milateriga Pakistan Gen. Asif Ghafoor ayaa sheegay inay soo rideen labo diyaaradood oo ay leedahay Hindiya, isagoo tilmaamay in la xiray mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda Hindiya.

    Gen. Asif Ghafoor ayaa sheegay in labada diyaaradood midna ay ku soo dhacday dhulka ay maamusho Pakistan, midka kalena ku dhacday gudaha Hindiya.

    Hindiya ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo ay leedahay Pakistan ay soo galeen Arbacadii maanta Hawada Kashmir qeybta ay maamusho Hindiya, hase ahaatee ay joojiyeen diyaaradaha dagaalka Hindiya, dibna ay u laabteen.

    Dowladda Hindiya ayaa shalay sheegtay inay duqeysay xarumo ay ku sugnaayeen Kooxda Islaamiga ee Jesh Mohamed oo dhowaan sheegtay mas’uuliyadda weerar is qarxin ah oo lagu laayay 40 askari ka tirsan Ciidanka Hindiya.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.