Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»PISF oo la baabi’inayo iyo PSF oo dib loo midaynayo
    Somalia

    PISF oo la baabi’inayo iyo PSF oo dib loo midaynayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    PSF dib,ayaa loo midaynayaaa si rasmi ah,waxaana hogaamin doona Maxamuud Diyaano.

    Heshiiskii Qardho,waxaa Qodobadiisa ka mid ahaa…

    1.In PSF la mideeyo oo la baaba’sho PISF-ta Aamiin Xaaji.

    2.In Taliska Ciidamada la hooskeeno.

    3.In Miisaaniyadeeda soo marto W.Maaliyada.

    4.In wafuudeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda lala socdo.

    Safaarada Maraykanka oo daba socota heshiiskaas,ayaa MW Deni lasoo xiriirtay kana xaqiijisay markaas kadibna,waxaa laysla qaatay in PSF dib loo hawlgeliyo.

    Dhanka PSF waa aqbaleen heshiiskaas si buuxda,waxaase wax kasoo noqdeen dhanka MW Deni oo waxaa caqabad cusub noqotay celintii Saraakiishii usocotay PSF ee Maraykanka ahayd Todobaadkii hore.

    Safaarada Maraykanka oo lasoo xiriirtay MW Deni,wuxuu ku dooday in ballankii looga baxay oo wefti aysan Dowladu ogayn damcay in uu yimaado,waxayse Safaaradu usheegtay arimaha Ciidamada in aan cid walba la ogaysiin oo xataa Safaaradu aysan ka warqabin oo ay ku kooban tahay Taliska Jabuti oo markay Danab la hawlgalayaan aan looba soo sheegin.

    MW Deni,waxay Safaaradu si cad ugu sheegtay in PSF la qalabaynayo oo la dhisayo si ay uga hawlgalaan Daacishta Bari.

    Wararka hoose,waxay sheegayaan in Deni iskaga Afgobaadsanayo waxba layma soo sheegin erayada ah ee dulucda khilaafku yahay tirada Ciidan ee ay PSF ku mushahaar qaadanayso.

    Deni,wuxuu ku doodayaa 400 oo Askari in Bishii la siiyo min $ 400 halka PSF ay ku doodayso,waxaan Gacanta ku haynaa 1100 Askari.

    Salka loolanku waa dhaqaalaha ka imaanaya Maraykanka oo hada toos usoo mari doona W.Maaliyada.

    Deni Gacan buu uritay mashruucii Ilmo Diyaano ka sameeyeen Magaca iyo Dhaqaalaha.

    Muhiimadu,waa in lays fahmaa oo la dhamaystiraa Shaqada,isla markaana MW Deni uusan noqon Nin Xabad kaliya wax looga rito.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.