Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Prof. Faysal Rooble ” Garowe ayaa ka amni badan Maraykanka “
    Somalia

    Prof. Faysal Rooble ” Garowe ayaa ka amni badan Maraykanka “

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee Faysal  Cabdi Rooble oo maqaallo taxana ka qoray socdaal uu ku soo maray gobollada  Puntland ayaa sheegay in caasimadda Puntland ee Garoowe ay ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka.

    “ Waxaan u dhabo-galay astaamaha gaarka u ah Garowe iyo horumarka bulshada. Nabadda ayaa kow ka ah horumarka magaaladaasi.  Bulsho ma dagto mana najaxdo haddaanay nabadi jirin” ayuu yiri Rooble.

    Wuxuu sheegay in uu habeen ku daahay marti-qaaday loogu sameeyay huteel ku yaalla Garoowe kadibna isaga iyo kooxdii marti-qaadday ay magaalada dhex lugeeyeen xilli dambe oo 12:30am halka Los Angeles iyo magaalooyinka kale ee Maraykanka aan xilligaasi la socon Karin haddii aan gaari la wadan.

    “Aniga iyo kooxdii imarti qaadday markaanu cashadii dhammaysanay waxa aanu sii marnay farmsi furnaa xilli ay saacadda hebeenimo ahayd 12:30; halkaas oon ka gatay caday iyo dawadiisa oo iswata Los Angeles iyo magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka waxaa jira xaafado aadan habeenkii saqda dhexe gaadhi wax aan ahayn aadan ku mari karin; in aad ka adeegatona iskaba ilow” ayuu sii raaciyay.

    Mudane Rooble ayaa sidoo kale sheegay in amniga Garoowe uu gaarsiisanyahay heer maalin iyo habeen si isku mid ah loo socdo iyadoo aan wax cabsiya la dareemin “Dadku maqaayadaha ayay si nabad oo aan cabsi lahayn maalintii ugu sheekaystaan, habeenkiina ku caweeyaan. Jidadkana habeen iyo maalin bilaa cabsi ayaa la iskaga socdaa”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.