Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland:-Canshuuraha khayraadka Macdanta oo xeer kmg ah loo sameeyay
    Somalia

    Puntland:-Canshuuraha khayraadka Macdanta oo xeer kmg ah loo sameeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 11 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aad

    Markuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta.

    Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta.

    Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga iyo dhoofinta Khayrkaadka Macdenta.

    Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Tamarta Macdenta iyo Biyaha Dowladda Puntland.

    Wuxuu Xeeriyey:

    1. Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa masuulka ah bixinta Shatiyada ka gancasiga iyo dhoofinta macanta. Shatiyadaas oo waajib ku ah cid kasta oo ka ganacsanaysa khayraadka macdenta.

    2. Waxaa si kumeel gaar ah loo go’aamiyey (jaangooyey) Canshuurta ku waajibtay dhammaan macdanta laga dhoofinayo Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha kale ee Dowlada Puntland.

    3. Waxaa la farayaa Wasaaradda Tamarta, Macdenta iyo Biyaha in ay muddo kooban gudohood ku soo diyaariso Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Khayraadka Macdenta.

    4. Inta laga soo diyaarinayo Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Macdenta, waxaa si ku meel gaar ah loogu dhaqmayaa Xeerkaan.

    5. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.