Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo BC oo kawada hadlay arimaha doorashada
    Somalia

    Puntland iyo BC oo kawada hadlay arimaha doorashada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 20, 2023Updated:May 20, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, May 20, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa maantay khadka zoomka shir kula yeeshay Safiirada Dalalka Sweden, Denmark, Germany iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

    Shirka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo sii wadista qorshaha hirgelinta doorashooyinka hal cod iyo hal qof ee Degmooyinka, kaas oo hadda meel wanaagsan maraya.

    Sidoo kale, waxaa si qoto dheer la iskula lafa-guray ilaalinta Amniga Doorashooyinka iyo arrimaha Siyaasadda guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland sidii loogu wadi lahaa hab xasiloon oo ku dhisan nabadgelyo.

    Wasiirka ayaa Safiirada Dalalka Sweden, Denmark iyo Germany la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkeedaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

    Dhammaad.

    Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    December 2, 2025

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    December 2, 2025

    Trump ma wuxuu khatar ku yahay hogaaminta R.Galbeedka Ee caalamka?

    December 1, 2025
    Latest Posts

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    ICE to launch operation targeting Somali migrants in Minneapolis

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    Rewards for Justice is offering a reward of up to $3 million for information on Yasin Kilwe

    Trump ma wuxuu khatar ku yahay hogaaminta R.Galbeedka Ee caalamka?

    Taliska Africom oo war kasoo saaray socdaalkii PL,SL iyo Itoobiya

    Maraykanka oo si weyn ubaadi goobaya Madaxa argagixisada Calamdow

    Kulan xasaasiya oo dhexmaray Safiirka Maraykanka iyo Axmed Madoobe

    Xubin muhiim ah oo ka mid ah argagixisada oo isku soo dhiibay Ciidamada PL

    AFRICOM Commander makes high-level visits to East Africa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.