Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Masar oo heshiis muhiim ah kala saxiixday.
    Somalia

    Puntland iyo Masar oo heshiis muhiim ah kala saxiixday.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa heshiis cusub la gashay dalka Masar, kaas oo la xariira dhinaca Waxbarashada.

    Heshiiskan ayaa waxaa Puntland uu saxiixay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo isaga iyo wafdi la socda ay booqasho ku joogaan dalkaasi.

    Wasiirka oo Qaahira kula kulmay, Dr. Daariq Showqi oo ah wasiirka waxbarashada dalka Masar ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ee deegaanada Dowladda Punland.

    Sidoo kale heshiiskan cusub ayaa dhigaya in illaa lix iskuul ay dowladda Masar ka furato Puntland, kuwaas oo ay dhigi doonaan macalimiin Masaari ah oo ka howlgali doono qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

    Cabdullaahi Maxamed Xasan wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa ugu dambeyn dowladda Masar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo ah Hooyada federaalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.