Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Shiinaha oo kala sixiixday heshiis
    Somalia

    Puntland iyo Shiinaha oo kala sixiixday heshiis

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

    Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga.

    Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah.

    Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah:

    1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo 
      Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo 
      qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah.
    2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ 
      Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan 
      maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta 
      Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic 
      Development zone.

    Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

    Heshiisyadani muhiim ka ah waxay qayb ka yihiin balanqaadyadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa kobcinta Dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, maalgashi iyo suuq u helidda Kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.