Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo UNICEF oo ka wada-hadlay arrimaha caafimaadka (Sawirro)
    Somalia

    Puntland iyo UNICEF oo ka wada-hadlay arrimaha caafimaadka (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 15, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dr Penelope Canbel madaxa caafimaadka hay’adda UNICEF Soomaaliya.

    Wasiirka caafimaadka Puntland iyo  madaxa caafimaadka UNICEF ayaa ka wada-hadlay wada shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Caafimadda iyo Hay’adda UNICEF iyo qorshaha sanadka bilawday in la isla meel dhigo.

    Wasiir Jamac Faarax ayaa uga mahad-celiyay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda iyo sida ay muhiim ugu tahay, waxaana uu la wadaagay wixii qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo waxa aan qabsoomin ee sanadkaan la doonayo in la qabto.

    Sidoo kale, Wasiirka Caafimaaka ayaa la wadagaay waxyaabaha ay doonayaan inay ka wada shaqeeyaan sanadka cusub ee qorshaha wasaaradda u dagsan iyo baahiyaha ugu waaweyn ee jira .

    Dr Penelope Cambel, madaxa caafimaadka UNICEF Soomaaliya ayaa ku amaantay dhankeeda Wasaaradda caafimaadka Puntland, wada shaqayntooda, iyadoona sidoo kale bogaadisay waxa qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo in wasiirka uu la wadaago qorshayaasha wasaaradda ee sanadka 2020, ayna diyaar u yihiin wada shaqaynta in la sii labo jibaaro.”

    Wasaaaradda iyo hay’adda UNICEF ayaa isla meel dhigay wixii laga wada hadlay, waxaana la isla qaatay in la laba jibaaro shaqada socotay wixii caqabadaha oo jirayna meesha looga saaro.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.