Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo bilowday diiwaan-gelin qeybtii labaad ee Ciidanka Daraawiish-ta (Sawirro)
    Somalia

    Puntland oo bilowday diiwaan-gelin qeybtii labaad ee Ciidanka Daraawiish-ta (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020Updated:January 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada lagu tababarayo Xerada Xorgoble ee Magaalada Qardho ayaa maanta loo bilaabay in la diiwaan-geliyo iyadoo la adeegsano hanaanka Casrigga ah ee ( Biometric) kaas oo lagu diiwaan-gelinayo dhamaan xogta la xiriirta Ciidamada.

    Ciidanka oo kamid ah Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa diiwaan-gelintooda waxaa goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Guddoomiyaha Gobalka Karkaar iyo Masuuliyiin kale.

    Ciidanka Tababarku uga socdo Xerada Xorgable ee saaka lagu bilaabay diiwaan-gelinta casriga ah ee (Biometric), ayaa noqonaya qeybtii labaad ee Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ee lagu diiwaan-gelinayo habkaan, waxaana horey loo diiwaan-geliyay Ciidanka Birmadka Madaxtooyadda iyo Guud ahaan shaqaalaha Dowladda.

    Dhanka kale, Wasiirada Maaliyada iyo Amniga Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmada Qardho iyo Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Yaasiin Cabdi Ciise ayaa maanta kormeer iyo booqasho ku tagay xeradda ciidamada Xorgoble.

    Masuuliyiinta ayaa u kuurgalay hanaanka ay u socoto tababar la siinayo ciidamo ka tirsan Puntland oo Xeradda Xorgoble ku jirra, waxay kulamo la qaateen Maamulka Iyo Macalimiinta Xeradda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.