Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo bilowday shirar looga hadlayo xoreynta G. Sool.
    Somalia

    Puntland oo bilowday shirar looga hadlayo xoreynta G. Sool.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash), ayaa shir guddoomiyay kulan looga arrinsanayay sidii dib gacanta Puntland si buuxda loogu soo celin lahaa Gobalka Sool, kaas oo ay qeybo kamid ah joogto Somaliland.

    Shirkan oo ka dhacay Degaanka Harwanaag ee Gobalka Sool, ayaa waxaa ka qeyb-galay, Wasiiro, saraakiil sare oo kamid ah Ciidanka Dowladda Puntland iyo Saraakiishii hore ee Dowladdii dhexe, kuwaas oo uu  kamid ahaa Gen. Maxamed Siciid Moorgan.

    Wararka ayaa sheegaya in intii kulanku socday Masuuliyiintu ay iclaamiyeen in lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Puntland ula soo noqoto gacan ku heynta Magaalada Laas-caanood iyo Degaanada kale ee Gobalkaas ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ka lacag qaata Somaliland.

    Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiishii dowladdii dhexe oo kamid ah guddiga la talinta arrimaha Ciidanka iyo ammaanka ee Madaxtooyadda ay soo jeediyeen inay muhiim tahay in farsamooyin badan loo adeegsado soo celinta Gobalka Sool, ee aan lagu deg deign dagaal kale oo ka dhaca gobalkaas, kaas oo sababi kara xaalad billi-aadanimo oo ka dhacda Gobalkaas, qax iyo burbur dhaqaale.

    Puntland ayaa dib u habeyn balaaran ku wada Ciidankeeda Daraawiish-ta, waxaana tababaro iyo qalabeyn ay ku wadaa tiro gaareysa Labo kun, kuwaas oo xogo hoose sheegayaan inay ku wajahan yihiin degaanada dhaca xaduudaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.