Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Puntland oo dajinaysa qorshe lagu hormarinayo Dhalinyarada
    Somalia

    Video:-Puntland oo dajinaysa qorshe lagu hormarinayo Dhalinyarada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2019Updated:May 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirka Dejinta Qorshaha, Hirgelinta Siyaasadda iyo Horumarinta Dhallinyarada Puntland.

    “Waa shir muhiim u ah Puntland ,waxaa la isku waafaqsan yahay tirada badan ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland 70% wax ka badan inay dhallinyaro yihiin, marka dowladda Puntland waxaa ka shaqaynaysa 70% waa dhalinyaro, dowladdu iyagay ka shaqaynaysaa horumarkooda iyo Mustaqbalkooda.

    “Waxaad ogtihiin waxyaaba ugu waa wayn ee Puntland ku faanayso oo amniga ah cidda hayso waa dhalinyaro. Ciidamadeena waa dhallinyaro, shaqaaleheeda waa dhalinyaro, xarumaha wax soo saarka ka shaqeeya waa dhallinyaro, kuwa Kalluunka iyo Khayraadka ka shaqayn waa dhalinyaro, dadkoo dhan ayaa dhallinyaro ah, marka waxaa soo dhan in loo sameeyo siyaasad kabaysa waa muhiim”. ayuu ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dhallinyarada ay badalaan arrimo badan oo caqabad ku ah horumarkooda, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka ka socda.

    “Maalin walba waxaa dalka la keenaa dad shaqaale ah oo la rabo inay ka shaqeeyaan, dhallinyaradeenuna waa shaqo la’dahay, waxyaabaha aan is qaban karin ayay ka mid tahay, waxay u baahan tahay siyaasad cad in laga yeesho, waxa dhallinyaradu baranayaan iyo caqabadaha haysta”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni. hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/658869877882041/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.