Madaxweyne Deni,waa ku bogaadinayaa ku dhiirashada dhismaha Bankiga horumarinta iyo maalgashiga Puntland.
Bankigan sida Madaxweynuhu sheegay dhawaan,ayaa la shaacinayaa oo lasoo gabagabaynayaa dhismihiisa.
Agaasimaha Bankigan,waxaa magacaabaya Madaxweynaha.
Muhiimad weyn,ayuu uleeyahay dhismihiisu Puntland oo wuxuu qaadanaya doorkii horumarinta iyo soo jiidashada maalgashiga…
- Wuxuu noqonayaa hay’ad nidaamiya oo utaagan horumarka iyo maalgashiga PL.
- Wuxuu isku dubaridayaa fursadaha maalgashi ee PL ka jira.
- Wuxuu diyaarinyaa mashaariicda horunarineed siday ukala leeyihiin mudnaanta.
- Wuxuu soo jiidanaya maalgasahadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
- Wuxuu Puntland ku matalayaa fagaarayaasha caalamka ee ay ka socdaan kulamada horumarka looga xaajoonayo.
Bankigan oo magac uyaal ah,waxaa samaystay Xasan Shiikh oo udhiibtay Gabadhiisa,isla markaana Lacag loogu talagalay guud ahaan horumarinta Somaliya uleexsaday,isagoo ku dooday in uu ku dhisay Bankiga.
Puntland in ay Banki horumarineed gaar uyeelato,waa lama huraan
Deeq bixiyayaashu,waa soo dhaweeyeen talaabada Puntland.
