480-Askari oo utababaran sidii Milleteriga oo ku qalabaysan Gaadiid Gaashaaman,Hoobiyayaal,Jabshe,BKM iyo Qalabka kale oo muhiim ah,ayaa si adag loogu tababaray Ciiidanka Booliska Puntland.
Waa Ciidan ka hawlgalaya….
- La dagaallanka argagixisada.
- Burcada Wadooyinka.
- Isku dhacyada Beelaha.

Waa Laba Urur oo fadhigoodu noqonayo…
- Xarunta laga xukumo oo looga dhisay Taliska Guud ee Booliska agtiisa,taasoo si gaar ah loogu qalabeeyay oo xataa leh ( Alarm).
- Fadhigooda 2-Aad,waa Bosaso.
3.Fadhigooda 3-Aad,waa Galkacyo.
Waxaa loo magacaabayaa Talye ugaar ah oo hoos taga Talyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Macnaha Ciidankan,waa S.W.A.T. oo kale,waxaana magacooda rasmiga ah yahay Puntland Police Force,( PPF).

