Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo digniin kasoo saartay daadadka roobka
    Somalia

    Puntland oo digniin kasoo saartay daadadka roobka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowladda Puntland, ayaa ka digtay daadad ay sheegtay in ay ka dhalan karaan roobabka gu’ga ee ka da’aya degaannada Puntland, gaar ahaanna gobollada Sool iyo Nugaal.

    Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu wargeliyay bulshada in ay ka baxaan dhulka hooseeya iyo meelaha biya-mareenka ah, sida togaga oo ay ka dhalan karaan daadad.

    “Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL waxay ku war galinaysaa dadka deggan deegaanada dhulkeedu hooseeyo , meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga in ay ka digtoonaadaa daadadka ka dhalan kara roobabka Da’ay asbuucaan khaasatan gobalada Nugaal iyo Sool” ayaa lagu yiri qoraalka

    Sidoo kale, wasaaradda ayaa wadayaasha gaadiidka ugu baaqday, in aysan gawaarida ku wadi togaga biyuhu socdaan iyo in ay baabuurta joojiyaan xilliyada roobku da’ayo, si loo ilaaliyo badbaadada rakaabka iyo hantida saaran.

    “Darawalada waxaa laga codsanayaa in aysan baabuurta ku dhexwadin togaga biyuhu soconayaan , xiliyada roobku da’ayona ay baabuurta joojiyaan (Barkimaan) si loo ilaasho badbaadada rakaabka iyo Hantidaba”

    Digniinta ayaa ku soo aadday, xilli maalmahan dambe ay degaannada Puntland ka da’ayaan roobab mahiiggaan ah oo meelaha qaar daadad xooggan ku celiyay, inkastoo aan weli la soo sheegin khasaare ka dhashay daadadkaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.