Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wato oo kusoo wajahan degaanada xeebaha.
    Somalia

    Puntland oo digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wato oo kusoo wajahan degaanada xeebaha.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland ayaa uga digntay Dadka kunool degaanada Xeebaha, inay ka digtoonaadaan Roobab dabaylo wata oo Kusoo food leh xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

    Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay in dabeylahan oo ku socda xawaare sare oo ah 36-KM/H ilaa 40-KM/H, ay ka dhacayaan baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas.

    Roobabka dabeylaha wata ayaa saameyn doona Degmooyin ay kamid yihiin Bargaal, Isku-shaban, Eyl iyo Boosaaso, sida lagu muujiyay sawir ay soo dhigtay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

    Dabaylahan ayaa kasoo kacintimay dhinaca waqooyi galbeed ee baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas, iyagoona kusii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo food lee yihiin Xeebaha Puntland, sida ay baahisay Wasaaraddu.

    Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa uga digtay kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.