Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo digniin udirtay Somaliland
    Somalia

    Puntland oo digniin udirtay Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-SAXAFADEED.

    Dowladda Puntland waxay iyadoo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo Magaalada Laascaanood soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

    1. Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamulka Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.
    2. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni goosadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
    3. Dowladda Puntland, sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.
    4. Dowladda Puntland waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.
    5. Waxaan Maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.