Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo ka hadashay Doon lagu Afduubtay Xeebaheeda
    Somalia

    Puntland oo ka hadashay Doon lagu Afduubtay Xeebaheeda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland,ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Doon kaluumeysi oo shalay lagu qafaashay Xeebaha Qandala ee Gobolka Bari.

    Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe oo hadlay,ayaa sheegay in Doonida laga leeyahay Dalka Iran.

    Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe,ayaa xaqiijiyay in Doonida laga leeyahay Wadanka Iran.

    “Doonta waxa ay joogtay Aagga Qandala markii la Afduubanayay. waxay ahayd Doon shaqadeedii dhameysatay oo dib ugu laabaneysay Iran,”Ayuu yiri Axmed.

    Gudoomiyaha,ayaa intaas ku daray in Afduubka looga shakisan yahay kooxo burcad badeed ah.

    Guddoomiyahu waxa uu sheegay in doontu ay u kireysneed ganacsato deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo kaga kaluumeysan jiray Xeebaha Soomaaliya ayna ka diiwaangashan tahay Puntland.

    Dhammaan shaqaalaha la socday doonta oo aan la shaacin tiradooda,ayaa ah Ajaanib.

    Guddoomiyaha Qandala,ayaa sheegay Ciidamada Badda Puntland PMPF iyo kuwa Booliska ay wadaan baaritaan,inkasta oo aan la ogayn halka lagu hayo Doonta.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.