Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ka hor timid jadwal usoo saaray Gudiga doorashada Ee Xasan Shiikh
    Screenshot
    Puntland

    Puntland oo ka hor timid jadwal usoo saaray Gudiga doorashada Ee Xasan Shiikh

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 23, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-SAXAAFADEED.

    Garowe: February 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay cambaaraynaysaa jadwalka doorashooyinka ee uu soo saaray Guddiga lagu muransan yahay sharaciyadiisa iyo jiritaankiisa labadaba ee doorashooyinka. Guddigaas oo jadwalka uu shaaciyey ku daray Degmda Galgodogob ee Gobolka Mudug oo ay horay uga dhacday doorashadii Goleyaasha Deegaanka Dawladda Puntland May 25, 2023, iyo Degmooyin kale oo tirsan Gobolada Sool iyo Cayn oo Dastuur ahaan ka mid ah Puntland.

    Doorashooyinka Golayaasha deegaanka, Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyadu waa awood dastuuri ah oo ay leeyihiin Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka, waxayna ku cad yihiin qodobka 120-aad ee Dastuurka ku meelgaarka ee Dawlada Soomaaliya.
    Gudiga jadwalka soo saaray kuma dhisna heshiis iyo sharciyad midna, Puntland-na ma aqoonsana jiritaankiisa, kamana hawl geli karo dhulkeeda iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.

    Dawladda Puntland waxay guddigan u aragtaa aalad uu Xasan Shiikh Maxamuud u adeegsanayo
    xasarad abuur, kala qaybin bulsho, ku tumasho sharci iyo wiiqitaanka hannaanka Federaalka ah ee lagu wada joogo.

    Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo-xileedkiisu dhammaad yahay wuxuu weli diidan yahay inuu talada dalka dhulka dhigo, wuxuuna is-diidsiinayaa fashilkiisa hogaamineed oo ah inuu taariikhda ku geli karo inuu noqdo ninkii ay Soomaaliya gacantiisa ku kala tagtay.

                      ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

    XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

    Website: moifad.pl.so

    Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

    Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

    Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.

    Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl…

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo si weyn dib uhabayn loogu sameeyay

    April 8, 2026

    Maxay tahay ujeedooyinka laga leeyahay dagaalka Iran?

    April 8, 2026

    Maxay yihiin Ciidamada Hiilweyne laga soo saaray?

    April 8, 2026
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo si weyn dib uhabayn loogu sameeyay

    Maxay tahay ujeedooyinka laga leeyahay dagaalka Iran?

    Maxay yihiin Ciidamada Hiilweyne laga soo saaray?

    Ugu danbayn Wadaadada Iran oo aqbalay Xabad joojin

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee kulanka saraakiisha

    Bangiga PL iyo doorka waxqabadka danyarta

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.