Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo ku baaqday in la hakiyo Dayn Cafinta iyo qaadashada Dayn cusub
    Somalia

    Puntland oo ku baaqday in la hakiyo Dayn Cafinta iyo qaadashada Dayn cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 22, 2023Updated:September 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Puntland si cad,waxay usheegaysaa in la hakiyo Dayn Cafinta,hadii la Cafiyana aan la qaadan Dayn cusub.

    Waxay soo jeedisay in la hakiyo Daynt ilaa Somaliya ay gaarayso Sadex arimood oo kala ah…

     

    1.Xasilooni Siyaasadeed.

    2.Xasilooni Amni.

    3.Xasilooni Dhaqaale.

    Taas badalkeeda,waxay ku doodaysaa in Somalidu wada fariisato oo ay soo saarto waxay heshiis ku tahay.

    Hadiise laga deg-dego soo jeedinteeda oo Daynta la cafiyo lana bixiyo mid cusub,waxay noqonaysaa in Somaliya la saaray Guri Dabakh ah oo ku taagan Tiirar Bulukeetiya oo dumi doona.

    Dayn gaaraysa $3-Bilyan oo aan laga heshiin sida loo qaybsanayo ama waxa lagu qabanayo,hadii la qaato waxay noqon doontaa burbur hor leh oo ku dhacay Dowladnimada Somaliya.

    Hay’adaha Lacagta reer Galbeedka IMF iyo World Bank,waxay ka shaqaynayaan in toodu fusho mana kala jecla danta Ummada iyo dhismaha Dowladnimo ee Somaliyed.

    Dadajinta lagu samaynayo Sharciyada muhiimka u ah hanaanka Maaliyadeed ee Somaliya,waxaa dabada ka riixaya IMF iyo World Bank.

    Puntland waxay soo jeedinaysaa in arinkan laga dhimo xawaaraha lagu socodsiinayo oo si miyir qab ah lagu wado,isla markaana mudada loo qabtay wax laga bedelo Somaliyana lagu sii hayo hanaanka Deeqaha ee lagu kabo Miisaaniyadeeda.

    Warka kasoo baxay Puntland,waxuu imaanaya,iyadoo Maanta ay IMF ku dhawaaqday in heer kale oo muhiim u ah Dayn Cafinta Somaliya heshiis laga wada gaaray oo Somaliya buuxisay Shuruurdihii looga baahnaa dhankeeda,waana waxa ay ja digayso Puntland oo muhiim u ah Barnaamijka Dayn Cafinta.

    https://www.imf.org/en/News/Articles/2023/09/22/pr23323-somalia-imf-staff-completes-staff-level-agreement-with-somalia-on-sixth-review-under-ecf

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.