Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo xal uraadinaysa Bacaadka Xeebaheeda khatarta ku ah
    Puntland

    Puntland oo xal uraadinaysa Bacaadka Xeebaheeda khatarta ku ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 23, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 22 November 2025: Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa maanta Shir-Guddoomiyey kulan looga hadlayay xal u helida Bacaadka ku fidaya deegaannada xeebaha ah ee Puntland .

    Wasaaradda Deegaanka oo kulanka soo qaban qaabisay,ayaa soo bandhigtay daraasaad dhammaystiran oo lagu sameeyey faafitaanka bacaadka ee ka jira Puntland, gaar ahaan deegaannada gobolka Mudug, kuwaas oo qaar ka mid ah uu saamayn xooggan ku yeeshay.

    Madaxweyne Ku-xigeenka,ayaa tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga iyo Xakamaynta bacaadka kusii faafaya gobolada Puntland, wuxuu sheegay in la samayn doono guddi heer sare ah oo si buuxda ugu hawlgalaya sidii loo samayn lahaa qorshe cad oo looga hortagayo fiditaanka bacaadka. Guddiga ayaa noqon doona mid isku xira hay’adaha dowladda, khubarada deegaanka iyo bulshada deegaanka, si loo helo xal waara.

    Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland, waxaana ka qaybgalay Wasiirka Deegaanka, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha dowladda.

    — DHAMMAAD —

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    January 8, 2026

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    January 7, 2026
    Latest Posts

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐢𝐢𝐥 oo ka degay Hargaysa

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    Todobaadkii Labaad oo Banaanbaxyo waa weyn ka socdaan Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.