Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo xal uraadinaysa Bacaadka Xeebaheeda khatarta ku ah
    Puntland

    Puntland oo xal uraadinaysa Bacaadka Xeebaheeda khatarta ku ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 23, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 22 November 2025: Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa maanta Shir-Guddoomiyey kulan looga hadlayay xal u helida Bacaadka ku fidaya deegaannada xeebaha ah ee Puntland .

    Wasaaradda Deegaanka oo kulanka soo qaban qaabisay,ayaa soo bandhigtay daraasaad dhammaystiran oo lagu sameeyey faafitaanka bacaadka ee ka jira Puntland, gaar ahaan deegaannada gobolka Mudug, kuwaas oo qaar ka mid ah uu saamayn xooggan ku yeeshay.

    Madaxweyne Ku-xigeenka,ayaa tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga iyo Xakamaynta bacaadka kusii faafaya gobolada Puntland, wuxuu sheegay in la samayn doono guddi heer sare ah oo si buuxda ugu hawlgalaya sidii loo samayn lahaa qorshe cad oo looga hortagayo fiditaanka bacaadka. Guddiga ayaa noqon doona mid isku xira hay’adaha dowladda, khubarada deegaanka iyo bulshada deegaanka, si loo helo xal waara.

    Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland, waxaana ka qaybgalay Wasiirka Deegaanka, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha dowladda.

    — DHAMMAAD —

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    June 9, 2026

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    June 9, 2026

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    June 9, 2026
    Latest Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    Wararkii ugu danbeeyay dadaalka dhexdhexaadineed Ee Turkiga

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.