Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo xukuno dil ah ku fulisay xubno katirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish
    Somalia

    Puntland oo xukuno dil ah ku fulisay xubno katirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 8, 2019Updated:November 8, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa fulisay xukunka shan xukamane oo ay Maxkamaddaha ciidamadu ku heleen inay kamid ahaayeen kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab iyo Daacish.

    Raggan oo lagu toogtay duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa horey Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaanka ugu xukumeen dil, waxaana la xaqiijiyey in la fuliyey saacadihii hore ee maalintii Khamiista.

    Xukumanayaasha dilkooda ay fuliyeen cutubyo katirsan Ciidanka Difaaca Puntland ayaa kala ahaa;

    1-Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah.

    2-Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah.

    3-Sheikh Cabdi Cabdulqadir Sheikh oo 22 jir ah.

    4-Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah.

    5-Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

    Ragga dilka togashada ah lagu fuliyay ayaa muddo dheer ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaaladda Boosaaso, kuwaas oo kol hore laga wada qabtay gudaha deegaanada Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa leh saxiixa ugu dambeeya ee dadka dilka lagu xukumo, waxaana tani ay noqonaysaa markii 1-aad ee Madaxweynaha oo xaafiiska haya muddo ka yar 1 sanno uu saxiixo in dil lagu fuliyo dad lagu helay inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro ka dhacay Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.