Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin iyo hogaamiyaha Wagner oo kulmay ugu danbayn
    Somalia

    Putin iyo hogaamiyaha Wagner oo kulmay ugu danbayn

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kremlin-ka ayaa maanta sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu Kremlin-ka kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka.

    “Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha (Wagner).”

    In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxda sare ee militariga Ruushka.

    Sida qorshuhu ahaa, madaxa calooshood u shaqeystada ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Belarus.
    Ciidamada Wanger ee weli doonaya inay usii dagaalamaan Ruushka, ayaa dhanka kale qandaraas la saxiixan lahaa ciidamada caadiga ah ee Ruushka.

    Intii uu socday kulanka qaatay saddexda saac iyo barka ee uu Kremlin-ka kula yeeshay taliyayaasha Wagner, Putin “wuxuu u yaboohay xulashooyin kale oo shaqo, oo ay ku jiraan kaalimo dagaal.”

    Dadka wax indha indheeya ayaa gadoodka u arka caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay.

    Taliyeyaasha Wagner “waxay adkeeyeen inay taageereyaal xooggan u yihiin… madaxa dawladda”, ayuu yiri Peskov.

    “Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay usii dagaalamaan dhulka hooyo.”

    Khamiistii, hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko — oo dhexdhexaadiyey heshiiska lala galay Wagner — ayaa sheegay in Prigozhin iyo ciidankiisaba midna aanu joogin dalkiisa.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.