Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin iyo hogaamiyaha Wagner oo kulmay ugu danbayn
    Somalia

    Putin iyo hogaamiyaha Wagner oo kulmay ugu danbayn

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kremlin-ka ayaa maanta sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu Kremlin-ka kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka.

    “Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha (Wagner).”

    In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxda sare ee militariga Ruushka.

    Sida qorshuhu ahaa, madaxa calooshood u shaqeystada ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Belarus.
    Ciidamada Wanger ee weli doonaya inay usii dagaalamaan Ruushka, ayaa dhanka kale qandaraas la saxiixan lahaa ciidamada caadiga ah ee Ruushka.

    Intii uu socday kulanka qaatay saddexda saac iyo barka ee uu Kremlin-ka kula yeeshay taliyayaasha Wagner, Putin “wuxuu u yaboohay xulashooyin kale oo shaqo, oo ay ku jiraan kaalimo dagaal.”

    Dadka wax indha indheeya ayaa gadoodka u arka caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay.

    Taliyeyaasha Wagner “waxay adkeeyeen inay taageereyaal xooggan u yihiin… madaxa dawladda”, ayuu yiri Peskov.

    “Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay usii dagaalamaan dhulka hooyo.”

    Khamiistii, hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko — oo dhexdhexaadiyey heshiiska lala galay Wagner — ayaa sheegay in Prigozhin iyo ciidankiisaba midna aanu joogin dalkiisa.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.