Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin oo ku nuux-nuuxsaday in aanu diidanayn wada hadal uu lagalo Ukrain
    Somalia

    Putin oo ku nuux-nuuxsaday in aanu diidanayn wada hadal uu lagalo Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 30, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa sheegay inaanu diidanayn fikradda wada hadallada Ukraine.

    Isagoo ka hadlayay kulan uu hogaamiyayaasha Afrika kula lahaa magaalada St Petersburg ayuu tilmaamay in soo jeedinta Afrika iyo Shiinaha ay aasaas u noqon karaan in nabad la helo.

    Laakiin Mr Putin waxa kale oo uu sheegay inaanay jiri doonin xabad joojin inta ciidamada Ukraine ay wadaan duulaanka.

    Saacado uun kaddib markii uu hadalkaasi jeediyay, Ruushku waxa uu sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine ay weerar ku qaaday magaalada Moosko, iyadoo khasaare gaarsiisay labo xafiis.

    Duulimaadyada garoonka Vnuko ayaa muddo kooban la hakiyay, kaas oo ku yaala koonfurta galbeed ee bartamaha magaalada, waxa dhaawacmay hal qof, sida ay soo werisay wakaallada warrarka u faafisa Ruushka ee Tass.

    Ukraine kama aanay hadal weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn.

    Qof goobjoog ah, oo kaliya magaciisa koowaad sheegay, lana yiraahdo Liya ayaa wakaallada warrarka Reuters u sheegtay inay aragtay holac iyo qiiq. “Waxan maqalnay qarax, kaas oo u muuqday mowjad, qof kasta wuu booday ,” ayay tiri.

    “Kaddibna waxa jiray qiiq badan, waxna lama arki karin. Illaa kor waxaad arki kartay holac.”

    Dhinaca wada hallada nabadda, Ukraine iyo Ruuskuba horey ayay u sheegeen inaanay miiska wada xaajoodyada imaan doonin, iyadoon wax shuruudo ah aan lagu xirin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.