Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaadka Kenya oo laga helay Bagteeriyo dhimasho sababi karta (Warbixin)
    Somalia

    Qaadka Kenya oo laga helay Bagteeriyo dhimasho sababi karta (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Koox Cilmi baarayaal ah oo u dhashay Dalka Kenya ayaa baaris ku sameeyay Qaadka laga beero dalka Kenya ee loo yaqaan Miiraa,waxaana ay soo heleen in uu leeyahay dhibaato caafimaad oo ka dhalata Bagteeriyo.

    Mac-hadka caafimaadka ee Jaamacadda Joma Kenyatta oo sameeyay cilmi baaristan ayaa ogaaday in cunista Qaadka Miiraa laga dhaxlo Bagteero sababta shubanka taas oo ka dhalata nadaafad darrada dadka ka shaqeeya Beeraha Qaadka.

    Cilmi baarayaasha waxaa ay soo jeediyeen in Maamulka Gobolka Meru sameeyaan halbeeg nadaafadeed ogolaanaya in dadka ka shaqeeya qaadka ay maraan si looga digtoonaado waxyeellada badan ee ka dhalatay cunista Qaadka taas oo asalkeeda ka timid Jeermis ka dhashay gacmaha dadka gura Qaadka.

    Baarayaasha waxaa ay tusaalooyin ka qaadeen Kabarro lagu iibiyo qaadka oo ku yaalla xaafadaha Nairobi sida; Eastleigh, Kawangware, Kibra, Mathare iyo Dandora, waxa ay tijaabiyeen 155 qeyb oo Qaad ah,waxaana ay heleen in 24 ka mid ah ay sumeysanyihiin.

    Nooca Jeermisyada laga helay qeybahaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhaliyaan shubanka iyo cudarrada kale ee faafa.

    Waxyaabaha toban ee Qaadka intii ay baarayeen ka heleen waxaa ka mid ah in uu horseedo tabar yarida,murugada, waraabowga,in uu waxyeelo Beerka iyo in madow ka dhigo ilkaha taas oo aan waxba laga qaban karin.

    Talooyinka ay soo jeediyeen waxaa ka mid ah in la dejiyo nidaam fayadhowr, in goobaha dadweynaha ku badanyahay aan lagu iibin Qaadka, sidoo kale in laga fogaado goobaha ay ku badanyihiin Musqulaha.

    Qaadka laga guro Gobolka Meru ee dalka Kenya waxaa intiisa badan loo soo dhoofiyaa Soomaaliya waxaana maalon kasta in ka badan 15 diyaaradood geeyaan Gobollada dalkeenna.

    Isha:Standard

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.