Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaka ka socota Boosaaso
    Somalia

    Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaka ka socota Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maanta soo gaaro  magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana socota qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo boqolaal shacab ah ayaa la filayaa inay kusoo dhaweeyaan Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, iyadoona intaas kaddib loo galbin doono Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaalada Boosaaso ayaa kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya.

    Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in si gaar ah diirada lagu saari doonaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka.

    Sidoo kale  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso la kulmi doona Waxgaradka  iyo Siyaasiyiinta Reer Puntland, waxaana la filayaa inuu safar dhulka ah (Boosaaso illaa Garoowe) ku wehlin doona Madaxweyne Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.