Qabashada Moduru,waxay ceebaysay oo macno tirtay Shiinaha,sababtoo ah,wuxuu ahaa Geed fadhiga Moduru dhan walba.
Sadex Waji,ayaa Shiinaha lagu ceebeeyay oo Maraykanku ku karbaashayβ¦..
1.Siyaasiyan,waxaa la muujiyay in aan la hoos geli karin Shiinaha oo uusan gaarsiisnayn awood siyaasadeed oo la magansan karo.
2.Difaac ahaan,waxaa la bahdilay Qalabkii Ciidan ee Shiinaha oo Venezuela,waxay haysatay Raadaaradii iyo qalabkii difaaca Hawada ee Shiinaha waliba kuwii ugu casrisanaaβ¦
B.JY-27A Radar.
T.HQ-9 Missile system.
Sidoo kale Ciidamada Venezuela,waxay Qalabka ka heli jireen Shiinaha.
3.Dhaqaale ahaan,ayaa la khasaariyay Shiinaba oo Venezuela,waxaa ka galay $4.8 Bilyan.
Diyaaradaha Maraykanka oo gaaraya 150,ayaa Hawada Venezuela si baqdin la’aan ah ugu xaraga duulay.
Waxaa la oran karaa Venezuela,waxaa ka dhacay dhoolatus dhexmaray Maraykanka iyo Shiinaha,waxaana caalamka la tusay qiimadarida Hubka iyo Qalabka Milleteri ee Shiinuhu farsameeyo,waxaana dhici doonta in Wadamo badan aysan iibsan Qalabka Milleteri ee Shiinaha.
