Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qafaalashada Ardayda Jaamacadaha oo si xowli ah uga socota Itoobiya
    Somalia

    Qafaalashada Ardayda Jaamacadaha oo si xowli ah uga socota Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyada Shene oo kasoo jeeda Gobolka Oromiyaa ee toobiya,ayaa la sheegay in ay Afduubteen in ka badan Boqol Arday oo ah kuwa Jaamacadaha.

    Ardayda,ayaa ka soo safray Gobolka Amxaarada,waxayna ku sii jeedeen Magaalada Adiss Ababa.

    Ardaydan,ayaa ka soo kala kicitimay Magaalada Debarak iyo Magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada,waxayna ku safrayeen Sadex Bas oo ay lahayd Jaamacada Debarak oo nooca Dadweynaha qaada ah ee lagu magacaabo “Tata”.

    Laba Arday oo kasoo baxsaday Ardayda la qafaashay,ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Basaska uu ka yimid Magaalada Bahir-Dar uuna ku sii jeeday Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana lagu joojiyay Tuulo yar oo u dhexeysa Goha Zion iyo Tulu Milki.

    Goob joogayaal iyo Qoysaska la haystayaasha,ayaa u sheegay in Rakaabka oo u badnaa Arday wax ka barata Jaamacadda Debarak ee Gobolka Amxaarada ay Dableyda hubeysan ku qafaasheen Deegaanka Gerbe Guracha oo ka tirsan Waqooyiga Showa ee Gobolka Oromada.

    Safaarada Maraykanku ku leeyahay Addis Ababa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in falalkaasi ay yihiin kuwo lidi ku ah sharciga.

    Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noqnoqda ee ka dhacayay Gobollada Oromiya iyo Axmaarada,waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirradaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan Sharciga.

    Afduubka loo geysanayo Dadka rayidka ah iyo Ardayda si Dhaqaale looga helo waa in la joojiyo. Toddobaadkii hore, in ka badan 100-Arday iyo rakaab ah,ayaa lagu afduubay Madax furasho,ayaa lagu yiri bayaanka Safaarada.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.