QM ayaa war kasoo saartay Gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku casuumay Madasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri” UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha muhiimka ah ee qaranka.
Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybqaataan wada-hadallada, iyagoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad.
Iyada oo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha kale, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahayo arrimaha taagan.
