Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey oo shaacisay in lala xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah xasuuqa Shacabka Laascaanood
    Somalia

    Qaramada Midoobey oo shaacisay in lala xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah xasuuqa Shacabka Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2023Updated:February 24, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay,ayaa walaac ka muujisay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay Somaliya,ka dib iska horimaadka Ciidamada ammaanka Somaliland iyo kuwa Beelaha ku dhexmaray magaalada Laas-caanood tan iyo horraantii bishan Febraayo.

    “Waxaan ka xunnahay dilka ugu yaraan 63-Qof iyo in ka badan 363 lagu dhaawacay,”Ayay tiri khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda Aadanaha ee Somaliya.

    Iyadoo soo xiganaysa warbixinnada ku saabsan weerarrada aan loo meel dayin ama ula kac ah ee ka dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, ayay sheegtay in ay yihiin kuwo aan sinaba loo aqbali karin oo si toos ah uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadantinimada.

    Ishakhabiirka arimaha bini’aadantinimo ee QM uqaabilsan Somaliya,ayaa ku baaqday kuwa mas’uulka ka ah in lala xisaabtamo.

    ‘Mas’uuliyiintu waa in ay xaqiijiyaan dhexdhexaadnimo wax ku ool ah iyo baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo dhimashada iyo dhaawaca”Ayay tiri khabiirka QM.

    “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska horimaadyada in ay si buuxda u ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego ilaalinta rayidka,”Ayay tiri Isha.

    Khabiirka,ayaa ka digay in dagaallada ka socda Laascaanood ay uga sii dari doonaan xaalada bini’aadantinimo ee aadka uliidata,taasoo ka jirta Gobolka Sool, iyo Guud ahaan Dalka Somaliya.

    “Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo baaqii ay soo saareen Saaxiibada caalamiga ah ee ku aaddan helitaan bini’aadantinimo oo aan la xannibin si ay si deg deg ah wax uga qabtaan baahiyaha Dadka barakacay iyo kuwa ay saameeyeen rabshadaha,”Ayay yiri Dyfan.

    Khabiirka,ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada in ay ku heshiiyaan in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, khilaafkoodana lagu xalliyo wada hadal.

    “Ku guuldareysiga in sidaas la sameeyo waxay la mid tahay in la diido helitaanka caddaaladda iyo sii wadida isla xisaabtan la’aanta,” Ayay tiri.

    Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha samafalka dagaalladii Laas-caanood, oo billowday 6-dii Febraayo, waxaa ku barakacay in ka badan 185,000 oo Qof oo Boqolkiiba Sideetan iyo Sagaal ay yihiin Haween iyo Caruur.

    Warka khabiirka,ayaa ah fariin cad oo isla xisaabtan ah oo ku socota kuwa abaabulaya colaada Laascaanood.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.