Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qardho: 8 Ruux oo ku geeryootay Daadadkii xalay & Madaxweyne Deni oo ku wajahan (VIDEO)
    Somalia

    Qardho: 8 Ruux oo ku geeryootay Daadadkii xalay & Madaxweyne Deni oo ku wajahan (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 28, 2020Updated:April 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu samata-bixinayo dadkii ku waxyeeloobay Daadad xooggan oo xalay kusoo rogmada magaaladaas.

    Warar hordhaca ayaa sheegaya in dhimashada ka dhalatay Daadadkaas ay gaareyso 8 Ruux, kuwaas oo ay qaarkood ku dumeen dhismayaal, halka qaarna ay qaateen biyuhu.

    Sidoo kale, Daadadkan oo ka dhashay roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dhulka Buuraleyda ah, ayaa sababay inay dumaan guryo dad shacab ah lee yihiin, sidoo kale biyuhu qaataan Gaadiid iyo Goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Qardho.

    https://www.facebook.com/i455353/videos/10158215012811878

    Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland (Daraawiish-ta), ayaa lagu daabulay magaalada Qardho si ay uga qeyb-qaataan howlgalada gurmadka ah ee loo sameynayo shacabka, waxaana sidoo kale halkaas ku sugan Ciidamo Boolis ah.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku wajahan goor-dhow magaalada Qardho, isagoona hoggaamin doona howl-galada samata-bixinta ee dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana xusid mudan inaan la ogeyn sida uu halkaas ku gaari doono Madaxweynuhu maadama ay go’day buundo weyn oo ku taala wadada xariirisa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.