Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaybtii Labaad ee Sheegadii Basaaskii Somaliga ahaa ee u Shaqaynayay CIA-da
    Somalia

    Qaybtii Labaad ee Sheegadii Basaaskii Somaliga ahaa ee u Shaqaynayay CIA-da

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mike Shanklin.


    Intaan baaritaanku billaaban, waxa uu Shanklin qirtay inuu ku guuldarreystay inuu soo sheego xiriirkii soke ee uu la lahaa Stefania Pace. Baaritaankii wuu ku dhacay. Mid kale ayaa la iclaamiyey. Baaritaanka labaad kii hore waaba ka sii xumaaday, iyadoo ay jirto in Shanklin go’aansaday inuu daacad u hadlo. Wuxuu markan qirtay inuu wax u sheegay nin buug ka qorayey CIA-da iyo inuu shirkado Kenya jooga u sheegay shaqadiisii hore ee CIA-da. Wuxuu kaloo qirtay inuu ku caawiyey nin Soomaali ah oo miino la qaraxday sidii loogu heli lahaa daaweyn degdeg ah, isagoo ku andacooday inuu ninkaasi yahay nin CIA-da la shaqeeya, balse runtu ay sidaas ka duwanayd.

    Intii baaritaankan labaad lagu jiray, raggii su’aalaha weydiinayey Shanklin waxa ay ku eedeeyeen inuu isagu ka dambeeyey dilkii ganacsade Ibraahin Xuseen. Waxa ay tani Shanklin ku riixday inuu si daran u qayliyo, waxaana ka baxay dhawaaq cabaad leh. Iyagoon bixin wax caddeyn ah ayay baarayaasha CIA-du sheegeen in Shanklin lug ku leeyahay dilka Ibraahin. Baaritaanku wuxuu noqday musiibo. Baaritaan saddexaad ayaa la iclaamiyey.

    Baaritaankan waxaa lagu weydiiyey Shanklin su’aalo ku saabsan xiriirro uu la lahaa dad ajnabi ah iyo warar sirdoon ah oo loo maleynayo inuu hoosta ka bixiyey, hase ahaatee xamaasaddiisa ayaa kacsanayd, taasoo weli u muujisay ragga baaritaanka Polygraph-ka loo yaqaan ku dhex jiray inay jirto weli wax uu qarinayo (Polygraph waa qalab baarayaasha CIA-du ku gartaan qofku inuu run sheegayo iyo inuu been sheegayo). Waxa uu Shanklin qeexay inaysan jirin wax dambe oo uu qirto. “Waxay u maleeyeen inaan wax qarinayo, balse waxba kama qarin” ayuu yiri.

    Marxuum: Gen Maxamed Faarax Caydiid
    Waxaa la sameeyey baaritaankii ugu dambeeyey, waxaana ka soo baxday inuusan istaahilin in la siiyo kaarka cagaaran. “Waa la i waxyeelleeyey, waana la i niyad-jebiyey. Waxaan rajeynayey in lay dhihi doono ‘waa inaadan sameynin waxyaabahan qaladka ah, waana ku fiirin doonaa ee mar dambe ha sameyn’” ayuu ku calaacalay. Waxa isaga iyo Pace ay kaddib go’aansadeen inay u guuraan Talyaaniga oo ay markii ugu dambaysay degenaayeen. (Pace oo aan la xiriiray, kama helin wax jawaab ah).

    Mubarak Ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.