Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qisadii Aamina Al Mufti Qaybtii 1-aad.WD.Mubaarak Ashkir
    Somalia

    Qisadii Aamina Al Mufti Qaybtii 1-aad.WD.Mubaarak Ashkir

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2019Updated:January 19, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xogo xasaasi ah oo ay adagtahay sida loo helaaa ayey Amiina u tebinaysaa Israa’iil. Nacaybka carabta, u aargudista ninkeedii lagu dilay diyaaradda iyo ka aarsashada Basaamkii jacaylka carruurnimo kaga baxay ayey waxaas oo hawl ah u gelaysaa.

    Diiqadda nafsiga ah iyo ciilku waa wax awood badan. Jiidhka ayey colaaddeedu dhaaftay oo dhuuxa ayey kaga jirtay. Xogo ay tebisay baa lagu laynayaa boqollaal carruur, dumar iyo ciidan Falastiiniyiin ah. Waa ay ku farxaysaa. Dhibic walba oo ay sabab u tahay in la daadiyaa waxa ay ku dhayanaysay boog damqanaysay.

    Mar walba halista uu keeni karo qof kaa mid ahi waa ay ka badantahay qofka shisheeye halistiisa. Boqollaal Yuhuud ahi halis aanay gaadhsiin Falastiin, ayaa Amiina Al Mufti oo carabiyad ahi ay gaadhsiisay. Waa sababta xarunta MOSSAD magaca Aana Mooshe loogu xardhay in ay ahayd halyey.

    Arrimaha kale ee aan ka ogaaday qisadani waa heerka sirdoonka Falastiin oo aanan marna filanayn in uu u dhisanyahay si aad u sarreysaysa. Mar haddii MOSSAD lagu sheego mid ka mid ah sirdoonnada adduunka ugu heerka sarreysa, Falastiin si ay isaga caabbido waxa ay dhiseen haya’do jahawareerin kara Yuhuudda kana fulinaya shirqoollo gudaha Israa’iil.

    Waa sirdoonka taxnaa Aasiyo iyo Yurub ee diyaaraha afduubanayey.
    In kasta oo qisada buuggu xambaarsanyahay muddo laga joogo, haddana waxa si toos ah loogala bixi karaa hirdanka xeesha dheer ee Falastiin, Isra’iil iyo doorka carabta ku hareeraysan labada. In kasta oo dagaalku furimo badanyahay, kan sheekadu xusaysaa waa midka ugu doorka wayn dagaallada, halbowlahana u ah. Waa sirdoonka iyo basaasnimada iyo xeeladaha Falastiin iyo Isra’iil isugu adeegsanayaan.

    Amiina ha ku suntanaanot basaasaddii ugu weynayd ee carbeed ee MOSSAD u adeegta, se lama dafiri karo sidii ay dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin u ogaadeen iyo sidii ay iyada ugu adeegsadeen in ay hawlgallo ka fuliyaan Israa’iil dhexdeeda. Ugu yaraan saddex weerar oo si wacan ugu fulay Falastiin, waxa ay xog kala dhiman oo marin habaabin ah ugu dhiibeen Amiina iyada oo aan dareensanayn se moodaysa in ay sir heshay. Taas oo u hirgelisay qorshayaashii dhaqdhaqaaqu ka fuliyey gudaha Israa’iil.

    Gebogebada qisada, shan sannadood oo xadhig ah oo Amiina ama Aana ay ka laacayso, waxa ka horreeya baadhis farsamadeedu sarreyso oo xogo badan lagaga helayo Amiina iyo intii la shaqeynaysay. Dabadeed marka ay xogta ka idlaystaan baa ay haddana ciyaarayaan kaadh kale oo ah in ay madaxeeda ku baddashaan laba halayey oo kale oo Yuhuuddu haysatay. Kolkan se Amiina waxa ay dareemaysaa xumihii ay fashay oo dhan. In aan Israa’iil la geyn bay rabaysaa, yaa se ka yeelaya? Boqollaalkii qof ee ay ka dambaysay duqayntooda ayey ka calaacalysaa. Cidi se ma ay dhegaysan.

    1975kii Qubrus ayaa maxaabiistii ugu horreysay ay isdhaafsanayaa Falastiin iyo Israa’iil. Hawlgal yaab leh baa uu isna ahaa oo akhrintiisu xiiso badnayd. Nolosha cidhiidhiga ah ee raandhiiska u noqonaysa Amiina ayaa uurkutaallo iyo wax laga damqado noqonaysa.
    Guud ahaan xanuunka nafsiga ah ee necbaanshiyaha cid uu qof u qaadaa awoodda uu leeyahay ayaa laga dheehan karaa. Ama sida kale, falka qof wax lagu yeelaa saamaynta baaxadda leh ee uu ku yeelan karo dad badan ayey Amiina tusaale u tahay. Waa qiso xiise badan oo aanan marna akhrinteeda ka xiiso goyn.

    Hab tebinta dhacdada Amiina, wax aka muuqata in qoraaga ama turjumaha mid uu yahayba, uu la falgelayo isla markaasna dareenkiisa ku darayo. Taas oo mararka qaar runnimada qisada iyo dheellitirnaanteeda akhris ka gelinta akhristaha. Mar haddii aanan arag nuqulka carabiga ah ee Fariid Falluuja ma xaqiijin karo in Kamaal ku milmay sheekada iyo in Falluuja ku milmay. Midda habbooni se waa in akhristaha loo daayo fasiraadda iyo xukunka dhacdooyinka.

    Turjumaha sheekadan, Kamaal A. Cali aad baan ugu bogaadinayaa sida farshaxanka ah ee uu hal tebiyey sheekadan. Hal tebin in aad samayso, isla markaa aad tayadii sheekada iyo xiiseheedii ilaalisaa ma aha hawl sahlan. Waxa kale oo aan ku bogaadinayaa meelaha anshax xumada ka warramayey sida asluubaysan ee uu u tebiyey isaga oo aan nuxurkii marnaba ka tegin. Aqoonta badan eek a bulsho ahaan innagaga xayiran afafka kale, in aynu u soo rogonno afkeennu laba qodobba way kobcinaysaa 1) in aynu aqoon innaga dahsoon helno oo bulsho ahaan ku dhisanno 2) in afkeennu noqdo mid aan laga hayaamin ee lagu soo hirto.

    Ugu dambayn, qisada Amiina waxa ay noqonaysaa mid ka mid ah qisooyinka iigu xiisaha badnaa intii aan qisooyin jacayl iyo sirdoon akhriyey. Qof wal oo xiiseeya siyaasadda, gaar ahaan midda bariga dhexe in uu akhriyo ayaa aan kula talin lahaa.

    Lasoco Qabta danbe.

    Mubarak Ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.