Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo digniin kasoo saartay Duufaan kusoo wajahan Degaanada Puntland iyo Somaliland.
    Somalia

    QM oo digniin kasoo saartay Duufaan kusoo wajahan Degaanada Puntland iyo Somaliland.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019Updated:October 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hey’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Cunnada  ayaa ka digtay duufaan ku soo wajahan gobolada woqooyi iyo kuwa bari ee Soomaaliya, mudddo sanad ah ka dib duufaantii saqar ee bur-burka ka geysatay geeska Afrika.

    Saadaal ay sameysay FAO ayey ku sheegtay in duufaantaas oo lagu magic daray Kyarr loo malaynayo in ay la timaado dabaylo awood leh iyo roob, kuwaas oo sameyn ku reebi doona Puntland iyo Somaliland.

    “Duufaanta Kyarr ayaa kusoo dhawaaneysay Woqooyiga Badweynta Hindiya waxaana la filayaa in 4-ta ilaa 5-ta maalmood ee soo socda ay saameyso inta ugu badan ee Puntland iyo Somaliland” ayuu lagu yiri digniinta FAO.

    Waxaa ay duufaantu ku hormari doontaa deegaanadda Puntland 96-da saac ee soo aadan, 24 sac kadibna waxay u jaheysan doontaa Soomaaliland.

    Duufaantu waa ay adag tahay waxyna roob badantahay, hey’adaha caaalamiga ah ayaana ku talinaya in loo diyaar garoobo sidii looga jawaaabilaha qaylo dhaanta dadka.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa sacaadihii lasoo dhaafay digniino u direysay Shacabka Puntland ee ku nool Degaanada Xeebaha, iyadoona sheegtay in laga yaabo in Duufaantani ay saameyso Gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar.

    “Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan Xeebaha Puntland, gaar ahaan gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato” ayaa lagu yiri farriimaha dadka loo diray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.