Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QODOBADA KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND.
    Somalia

    QODOBADA KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 28, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 28 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah.

    Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

    Qodobada ayaa kala ah :

    1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.

    2. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

    3. Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa.

    4. Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.

    5. Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

    6. Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan.

    Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay :

    * Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.

    * Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso.

    * Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.

    * Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha Dowladda in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee Bulshada loo hayo, iyadoo la raacayo Siyaasadda iyo qorshaha Dowladda ee hortebinta leh.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.