Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QODOBADA KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND.
    Somalia

    QODOBADA KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 28, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 28 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah.

    Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

    Qodobada ayaa kala ah :

    1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.

    2. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

    3. Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa.

    4. Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.

    5. Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

    6. Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan.

    Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay :

    * Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.

    * Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso.

    * Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.

    * Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha Dowladda in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee Bulshada loo hayo, iyadoo la raacayo Siyaasadda iyo qorshaha Dowladda ee hortebinta leh.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.