Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qormo: Hanashada Hiigsiga iyo Hanaqaadka Himilada W/Q Abdirisak Ahmed Nur.
    Somalia

    Qormo: Hanashada Hiigsiga iyo Hanaqaadka Himilada W/Q Abdirisak Ahmed Nur.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 10, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Marka hore mahdin eebe weyne aan ku bilaabo, marka xigtana aan u dhaadhaco micnaha guud ee maqaalka oranaya ‘hanashada hiigsiga iyo hanaqaadka himilada’ oo micno ahaan loo adeegsan karo wajo aad utiro badan hase ahaatee waxan ku qaadaa dhigayaa maqaalkaan gaaban anoo adeegsanaya Afkaar xissi ah, Ogaalo laysla meel dhagay, iyo Afkaar diini ah.

    Haddii aan guda galo faahfaahinta cinwaankan wuxu ugu horayn isugusoo biyo shubanayaa oraahdan oranaysa “Qeex hadafkaaga nololeed” jawaabta su’aashani waxay ku xiran tahay jawaabta su’aashaan soo socota oo dheheysa maxaa lay abuuray? (why was I created?), hadaba jawaabta su’aashani way ka hoos baxday in badan oo kamid ah mislimiinta, sidoo kale waxaa iyana waqti iyo fikir dheer ku bixiyey cilmi-baarayaal, aqoonyahano, faylasuufyo hase yeeshee jawaabtu waa ay ka hoos baxday, bal aynu soo qaadano dhawr jawaabood ah ka bixiyeen:

    Ninka la yiraahdo karl marx waxa uu layimi dadaal iyo fikir uu in badan la maqnaa hase ahaatee ugu dambayn waxa uu soo gaaray warcelin qaldan oo dheheysa “allah wuxu doonay ciyaar dabadeed wuxu abuuray bini aadamka fan ama dheel ula yeesho” subxaanallah tan bedelkeeda allah wuxu qur’aankiisa inoo ku sheegay suuratu mu’minuun aayada 115aad oo macneheedu yahay (ma waxad u malayseen in aan idiin abuurnay dheeldheel, oo idinkana xagayaga aydaan usoo noqonayn).

    Sidoo kale ninka layiraahdo Ilya Abu-Madi oo ahaa gabyaa carbeed ayaa yiri:

    -waan imid magaranayo meel aan ka imid laakiin waan imid

    -waxan arkay wado hortayda taal waana ku dul socday

    -weli waan wadaa socodkii, ha xumaado ama ha fiicnaadee

    -magaranayo meel aan ka imid ma garanayo meel aan usocdo

    Si kastaba ha ahaatee jawaabta su’aasheenii waxaa in ka kaafinaya aayada 56aad ee suuratu daariyaat oo macneheedu yahay (uma abuurin jinka iyo insiga illaa in ay ani ii caabudaan mooyee.)

    Ogaalka jawaabta cajiibka ah waxay ku dhaxalsiinaysaa inaan dhulkaan laguu keenin cunid, cabid, hurdo, dhalmo iyo dhimasho bal laguu keenay cibaado.

    Waxan filayaa hadda in aad rakibtay hadaf nololeedkaagii kowaad ee nolosha waxad hanatay mid ka mid ah hiigsiyadii aad in badan ku taamaysay. Haddii aan wajiga labaad ee maqaalkaan aan usoo laabto wuxu noqon karaa: himilooyin aas aasi ah iyo hiigisyo daruuri ah sida cilmi dalab, hab dhaqan bulsheed, hogaamin iyo dhaqaala abuur iwm. Waxa ay iyana isugu soo biyo shubanayaan ku dabaqidda 6 qodob oo kala ah:

    1. Rabitaan (desire): waa inay jirtaa xiiso iyo rabitaab ruuxi ah oo aad u haysid shayga markaasi maankaaga ka guuxaya.
    2. Go’aan (determination): waa inay jirtaa ka go’naansho iyo ku dhegenaansho si aadan uga laba labayn shaygaad illaafatay inaad ku tillaabsatid.
    3. Hurid (dedication): waa inaad u hurtid shay kasta oo qiimo agtaada kaleh ha ahaato waqti, lacag iyo wixii kaloo la hal maala.
    4. Jiho (direction): waan ay jirtaa jiho ama meel loogu hagaagi karo himilada aad qorshaysatay in aad gaartid.
    5. Nidaam (discipline): waa inay jirtaa nidaam ama system habraac unoqon kara waxad rabtid in aad hiigsatid.
    6. Bar dhamaad (deadline): waa in hadaf kaaga laga helo ama la yaqaanaa bar bilowgiisa iyo bar dhamaadkiiso hadii taasi dhici waydona aad ogsoonaataa in aad laf cad toobin ku haysid.

    Gunta iyo gabagabada:

    Waxan filayaa hada in wax badan iska bedeleen habnololeedkaaga waayo waxad hada rakibtay ujeed nololeedkaagii oo ay bar bilow u tahay cibaadada eebe, dalabka ridahiisa, iyo wax kasta ood alle ugu dhowaanaysid, sidoo kalena waxad bar dhamaad uga dhigtay shay kasta oo ay naftaadu daruuri u aragto inaad ku lifaaqday lixdii qodob aan uhorey usoo tilmaanay.

    === DHAMAAD ===



    Qore: Abdirisak Ahmed nur gelinbacayn

    Email: gelinbacayn79@gmail.com

    BOSASO, SOMALIA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.