Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qorshihii dajinta Yuhuuda Ee Bariga Afrika
    Somalia

    Qorshihii dajinta Yuhuuda Ee Bariga Afrika

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 15, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sanadkii 1903, ninkii loogu magac daray aabihii Zahyuuniyadda, Theodor Herzl, ayaa u soo jeediyay gumaystihii Ingiriiska ee Bariga Africa inay dhul siiyaan dadka Yuhuudda ah.

    Barnaamijka loogu magacdaray “Uganda scheme,” ayuu soo jeediyay kaas oo lagu codsanayay in dadka Yuhuudda dhul laga siiyo waddanka haatan loo yaqaano Kenya, inkasta oo magaca barnaamijkaas uu ahaa Uganda waxaa loola jeeday kenya sida ay qoreen taariikhyahanadu.

    Dhanka kale Israel iyo Uganda waxaa dhexmaray xiriir balaaran oo dhinacyo kala duwan ah kaas o soo bilowday 1950 meeyadii inkasta oo Uganda ay xornimadeeda heshay sanadkiii 1962 sii.

    Israa’iil waxay ka caawisay Uganda arimo ka mid yihiin wax beerashada iyo dhanka milatariga, sidoo kale shirkado laga leeyahay Israa’iil ayaa ka shaqo bilaabay gudaha Uganda, halka ardey Ugandes ah ay wax ka baran jireen gudaha israa’iil. Dhanka kale gudaha Uganda waxaa ku sugnaa dad badan oo Yuhuud ah.

    Balse waxay wax walba is badaleen markii talada qabsaday madaxweynihii hore ee dalkaas Idid Amin sanadkii 1972 sii ayaa wax walba is badaleen. Wuxuu dalka ka musaafuriyay guud ahaan Israa;iiliyiintii joogtay.

    Idi ayaa la sheegaa inuu Israa’iil taageero milatari balsa markii ay ka dhaga adeygeen uu ujeestay dhinaca Libya.

    Wuxuu markaas kadib ka eryay dalkiisa 500 oo Israa’iiliyiin ah, wuxuuna jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Israa’iil 1972.

    Hadalo lagu tilmaamay naceyb ah oo ka dhan ah Israel ayuu marar kala duwan jeediyay isagoo sidoo kale muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waxa loogu magacdaray “Xalka ugu dambeeya” ee uu Hitler ku dilay in ka badan 6 milyan oo dadka Yahuuda ah.

    Taliskii Amin waxa uu sidoo kale bartilmaameedsaday Yuhuuda ku nool Uganda, isaga oo xiray macbadyo, waxa kale oo uu u geystay garaacis iyo xarig.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.