Raโiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.
Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ka mid ah wafdiga Raโiisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa masโuulyiin ka mid ah dawladda Turkiga.
Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn u taageera Dowladda Federalka Somaliya, marka loo eego xiriirka wanaagsan & garab istaaga Shacabka Somaliyed.
