Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisul Wasaarihii Ruushka iyo Golihiisii wasiirada oo is-casilay
    Somalia

    Ra’iisul Wasaarihii Ruushka iyo Golihiisii wasiirada oo is-casilay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020Updated:January 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raiisul Wasaarah Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay, saacado uun kadiib markii khudbadiisii sanadlaha aheyd uu jeediyay Madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin.

    Madaxweyne Putin ayaa aqbalay iscasilaadooda, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii shaqeeyan ilaa mid cusub laga dhisi doono.

    Go’aanka iscasilaada ah oo hadal-heyn badan abuuray ayaa loo maleynayaa inuu yimid, kadib markii Madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Ruushka, si loo xaddido madaxweynaha inuu laba waqti xafiiska yimaado.

    Qorshaha Putin, ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka – la siin doono awood ay ku magacaabaan ra’iisul wasaaraha iyo golaha intiisa kale, iyada oo laga soo horjeedo kaliya in la oggolaado murashaxnimadooda sida ay hadda tahay.

    Medvedev wuxuu noqday ra’iisul wasaare 2012, ka dib markii uu afar sano madaxweyne ahaa. Hada wuxuu madax u yahay xisbiga talada haya ee United Russia.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.