Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Washington kula kulmay Tibor Nagy
    Somalia

    Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Washington kula kulmay Tibor Nagy

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulan gaar ah halkaasi kula qaatay  Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy.

    Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen horumarka laga sameeyay arrimaha deyn cafinta dib u habeynta Amniga iyo qodobo kale,sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy.

    Sidoo kale waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen muhiimada ay leedahay horumarinta Federaaleynta iyo diyaarinta doorashooyinka sanadka soo socda.

    Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa u sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyinta ka qeyb-galeysa shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF).

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.