Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo ku Casuumay Madaxweyne Ramaphosa dhex-dhexaadin iyaga iyo Masar
    Somalia

    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo ku Casuumay Madaxweyne Ramaphosa dhex-dhexaadin iyaga iyo Masar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku casuumay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu dhex-dhexaadiyo Khilaafka ka dhaxeeyo wadankiisa iyo Masar, ee ku aadan biyo-xireenka Itoobiya ka waddo Biyaha Wabiga Niil.

    Ma cadda doorka Koonfur Afrika ay ka ciyaari doonto muranka dalalkan oo Mareykanku horeyba gacan uga geysanayay dhexdhexaadintooda.

    Dhismaha biyo-xireenkan ayaa loo qorsheeyay in lagu dhammaystiro sannadkan, wuxuuna noqon doonaa warshadda korantada ee ugu weyn Afrika, lakiin Dowladda Masar ayaa kasoo hor-jeeda biyo-xireenkan iyadoo ka baqeysa inuu saameyn ku yeesho qulqulka webiga ay ku tiirsan tahay 90% oo biyo ah.

    Wada-hadladii ugu dambeeyay ee dhinacyada ayaa ku soo dhamaaday is afgarad dhammaadkii usbuucii hore, waxaana la filayaa inay dib uga bilaabmaan Washington.

    Ra’iisul wasaare Abiy oo suxufiyiinta kula hadlayay caasimada South Africa ee Pretoria, ayaa sheegay in madaxweyne Ramaphosa lagu casuumay inuu dhexdhexaadiyo Dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan, madaama uu yahay Gudoomiyaha soo socda ee midowga afrika.

    “Itoobiya marwalba waxay aaminsan tahay in guusha ay la gaarto Masar iyo Suudaan, codsiga loo dirayo Madaxweyne Ramaphosa ayaa in sababtu ay tahay inuu saaxiib fiican u yahay Ethiopia iyo Masar, sidoo kalena uu yahay gudoomiyaha soo socda ee Midowga Afrika, wuxuu sameyn karaa in wadahadal dhexmara labada dhinac si nabadgelyo ah loogu xalliyo arrinta. “

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.