Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer sameeyey (Sawirro)
    Somalia

    Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer sameeyey (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer waxa ay ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland iyagoo la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada kala duwan.

    Ugu horayn waxaa kormeerkooda ay ka bilaabeen Wasaarada Arimaha gudaha iyadoo Wasiirka Wasaaradu uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay hayaan si gaar ah wuxuu u sharaxay hanaanka bixinta Jidadka Caasimada KMG ah iyo adeegyada loo qabto dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga dhadhaab.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in ay kaalmo u baahan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kuwa kasoo noqonaya Dhadhaab kuwaas oo ay ku adag tahay in ay la qabsadaan Nolosha loona baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynahu in ay diyaarisay goobo ku wanaagsan kaluumaysiga iyo beeraha oo shaqo abuur looga samaynayo dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga loona baahan yahay doorkii Dowlada Federaalka ah.

    Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaarahu waxaa kale oo ay booqdeen Wasaarada Maaliyada iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha iyadoo Wasiirku uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay wasaaradu hada gacanta ku hayso.

    Xarumo ay ku shaqeeyaan inta badan Wasaaradaha Dowlada oo dhawaan xariga laga jaray ayay masuuliyiintu booqdeen maanta iyagoo u kuur galayay sida dhaqada umada loo hayo ay u socoto.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.