Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisulwasaare Kheyre oo amray in Liiska Shaqaalaha rayidk ah ee Dowladda laga saaro 803 qof (Akhriso)
    Somalia

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo amray in Liiska Shaqaalaha rayidk ah ee Dowladda laga saaro 803 qof (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland Xil. Sadiq Xirsi Warfaa, ayaa lagu sheegay in Liiska shaqada shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda laga saarayo ama laga hakinayaa mushaarkooda 803 shaqaale oo hadda kujira Liiska Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Waraaqdan oo si hoose loogu  saxaafadda ayaa lagu muujiyay meelmarinta go’aanka golaha Wasiirada ee tirsigiisu yahay SHGW.00.84.10.19 kuna saabsan Ansixinta qaraarka tira-koobka madax-tirinta Shaqaalaha Rayidka ee dowladda iyo hirgelinta xeer Ra’iisulwasaare oo tirsigiisu yahay 086 oo Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha loogu xilsaaray fulinta go’aanka shaqo kasaaridda iyo beddelidda 803 oo shaqaale ah ayaa lagu xusay in faahfaahin kusaabsan tirada shaqaalaha lumin doona shaqadooda iyo sababaha.

    21 shaqaale waxa lagu sheegay in ay geeriyoodeen sidaas awgeedna si degdeg ah looga saarayo Liiska shaqaalaha rayidka laguna beddelayo shaqa-sugayaal kale oo 15 kamid ah oo hadda diyaarsan lashaqo-gelinayo.

    120 shaqaale ayaa lagu xusay qoraalka in ay in ay yihiin shaqaale cillan ama maqan sidaas awgeed iyagana waxa laga saarayaa Liiska shaqaalaha rayidka, waxaana lagu beddelayaa shaqa-sugayaal kale oo 34 kamid ah oo hadda diyaarsan lashaqo-gelinayo.

    43 Shaqaale waxaa lagu sheegay qoraalka in ay yihiin laba-mushaarlayaal laba meelood kaqaata Mushaar,  sidaas awgeed iyaga shaqada lagama saarayo balse si degdeg ah ayaa looga joojinayaa labada Mushaar, waxaa laga soo celinayaa Mushaarka ay sida khldan u qaateen kaddibna laba shaqo middood ayaa laga ruqseynayaa.

    230 shaqaale oo fasax ama siyaalo kale u maqnaa xilligii la sameynayey tira-koobka shaqaalaha Rayidka dowladda waxaa bishan January-2020 laga hakinayaa Mushaarka, waxaana la fasaxayaa Mushaarkooda sida lagu xusay qoraalka marka guddiga shaqaalaha Rayidku ka keeno Warbixin dhammeystiran, muddada xayiraadda Mushaarka shaqaalahaasi waxa ay noqon kartaa 3 bil laga billaabo January-March-2020.

    389 shaqaale oo lagu sheegay QOraalka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha in ay howlgeb yihiin (2018-2020) waxa lala suagayaa inta laga dhammeystirayo xeerka iyo siyaasadda howlgebka ama looga helayo xaq-celin.

    Sidoo kale, Musuuliyiin kamid ah Wasaaradda ayaa inoo sheegay  Madaxda Wasaaradaha iyo xarumaha shaqada dowladda qaarkood ay wadaan qorshe ay shaqaale hadda shaqeeya shaqada uga saarayaan si ay u shaqaaleystaan qof kale oo ay leeyihiin xiriir qaraabo, mid qabiil iyo xitaa mid saaxiibtinimo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.