Raโiisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Masโuuliyiin iyo bulshada magaalada.
Raโiisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray Marka waxaa uu meel fagaare ah kala hadlay shacabka magaalada, waxaana uu sida caadiga aheyd uu dadweynaha ku sallaamay tixdiisa aheyd Ma Nabad Baa.
Mr Kheyre ayaa la filayaa inuu magaalada Marka kaga dhawaaqo mashaariic horumarineed oo dowladda ka fulin doonto magaaladaas oo ay goโdoomiyeen Al-Shabaab.
