Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku armay Saraakiisha Ciidanka sugida amniga shaqaalaha Turkiga (VIDEO)
    Somalia

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku armay Saraakiisha Ciidanka sugida amniga shaqaalaha Turkiga (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2020Updated:January 21, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

    Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya, waxaana la isla gartay in la sugo amniga Shaqaalaha wada dhismaha.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha wadada oo muhiim u ah isu socodka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

    Safiirrada Turkiga iyo Qatar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan bed-qabka howl wadeennada shaqada ku jira iyo ka mira dhalinta mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo qeyb ka qaadanaya gaaritaanka himilooyinka ummadda Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

    Sanduuqa horumarinta Qatar ayaa maal geliyay mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo dhismihiisa ay fulineyso Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay kulan gaar ah la qaatay maamulaha shirkadda, Seracettin Aksun ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha waddada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.