Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Kismaayo & Wada hadallo u socda DF Iyo Jubbaland.
    Somalia

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Kismaayo & Wada hadallo u socda DF Iyo Jubbaland.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayo Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland uu ku wajahan yahay Raโ€™iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Raโ€™iisulwasaare kheyre ayaa kismaayo u tagaya si uu u saxiixo Heshiis u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaas oo gogal dhig u ah isku soo dhawaanshe ay gaaraan labada dhinac kahor Shirka Bisha soo socota loo balansan yahay in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Kulamo hordhac ah oo u dhaxeeya Jubbaland iyo wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay tagay Kismaayo, ayaa ka socda Magaaladaas, Iyadoona looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobaleedka Jubbaland.

    Wararka ayaa Sheegaya in Raโ€™iisulwasaare kheyre uu tagayo magaalada Kismaayo 23-da bishan oo ku beegan Maalinimada Sabtida ah, waxaana Madaxtooyadda Jubbaland ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Raโ€™iisulwasaaraha.

    Jubbaland ayaa dooneysa in Dowladda Federaalka ay faraha kala baxdo arrimaha Degaanada Jubbaland, gaar ahaan Doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay bilaha soo socda ka qabsoomto Kismaayo, Iyadoo laga maarmayo cid ka socota Dowladda Federaalka.

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa loo arkaa Hoggaamiye si weyn uga soo hor jeeda Hab-dhaqanka Madaxda Dowladda dhexe, isagoona marar badan si kulul u dhaliilay, kuna eedeeyay inay olale ugu jiraan Doorashada 2021-da.

    Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, ayaa u balansan 20 bisha soo socota, inay isigu yimaadaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, six al rasmi ah looga gaaro Khilaafka labada dhinac oo muddo soo jiitamayay.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.