Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare Khayre iyo Madaxweyne Albashiir oo kuklan wada qaatay
    Somalia

    Ra’isalwasaare Khayre iyo Madaxweyne Albashiir oo kuklan wada qaatay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 7, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa magaalada Khartuum ku yeeshay kulan muhiim ah oo ay uga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal, amniga, kobaca dhaqaalaha, horumarka, maal-gashiga iyo iskaashiga horumarka gobalka guud ahaan.

    “Kulan mira dhal ah ayaan la yeeshay madaxweynaha Suudaan. Waxa aan aad uga mahad celinayaa soo dhawaynta wanaagsan. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xariirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, amniga, horumarka, kobaca dhaqaalaha, maal-gashiga, sida aan isaga kaashan karno arrimaha gobalka iyo sida Soomaaliya ay uga qaadan karto dawr dhaxal gal ah oo ku salaysan khibradeenna iyo Khayraadkeenna”, ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha xukuummada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Suudaan uga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

    “Qiyaastii todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah ayaa wax ku barta dalkaan, kummannaan kalana horay ayey uga qalin jebiyeen, waxa ayna gacan ka gaysteen dib u dhiska dalka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kale ka hadlay heshiiskii nabadadeed ee dhawaan ay kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta hoggaanka Suudaanta Koonfureed, isaga oo madaxweyne Al-bashiir ku ammaanay dawrka wanaagsan ee uu ku lahaa, sheegayna in heshiiskaasi uu muujinayay in Afrika ay xallisan karto mashaakilaadka dhexdeeda ah.

    “Aniga iyo wafdigeyga waxa aan aad ugu faraxsannahay in aan kasoo qayb galnay heshiinkii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadii Suudaanta Koonfureed. Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu qaatay dawr hogaamineed, waxa uu si gaar ah u qabtay hawl wanaagsan, isaga iyo shacabka Suudaan waxa aan uga mahad celinaynaa dawrka dhiirri gelinta leh ee ay ka qaateen nabadaynta Suudaanta Koonfudeed. Heshiiska ay saxiixeen dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed ee ay goob joogga ka ahaayeen madaxda gobalka oo dhan waxa uu muujinayaa in xallinta mashaakilaadka Afrika uu u yaallo Afrika”, ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.