Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaarihii Maleesiya oo iscasilay
    Somalia

    Ra’isalwasaarihii Maleesiya oo iscasilay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 24, 2020Updated:February 24, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamed ayaa warqad is-casilaad ah u gudbiyey boqorka dalka, sida uu xafiiskiisa sheegay Isniin, taasi oo jahwareer gelisay dowladda.

    Waxaa jira warar sheegaya in Mahathir uu doonayo inuu isku abaabulo is-baheysi cusub oo soo dhisa dowlad cusub oo wadaag ah.

    Xaaladda isbahaysiga xukuma Malaysia ayaa shaki ku jirtay kadib markii dhammadkii toddobaadka ay dhaceen wada-hadallo dhex maray qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga iyo mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa dhismaha dowlad cusub, oo uusan qeyb ka ahayn Anwar Ibrahim oo Mahathir uu horey ugu ballan qaaday inuu beddeli doono.

    Mahathir iyo Anwar ayaa ku midoobay doorashadii 2018, si ay xukunka uga tuuraan xisbiga muddada fog talada hayey ee UMNO, ayaga oo isbaheysi ku dhisay ballan-qaad ah in Mahathir uu xukunka ku wareejin doono Anwar.

    Loolanka u dhaxeeya Mahathir oo 94 jir ah, islamarkaaa ah ra’iisul wasaaraha ugu da’da weyn dunida, iyo Anwar oo 72 jir ah, ayaa sanado badan qaabeeyey siyaasadda Malaysia, waxaana mar walba jiray xiisad u dhaxeysa.

    “Warqadda is-casilaadda waxaa boqorka loo diray 1:00 pm,” waxaa sidaas bayaan ku sheegay xafiiska Mahathir ee Bersatu.

    Anwar ayaa la filayaa inuu la kulmo boqorka, mana cadda haddii uu haysto taageero ku filan, si u usoo dhiso dowlad cusub.

    Waxaan sidoo kale caddeyn, in Mahathir uu dowlad cusub soo dhisi doono, isaga oo taageero ka helaya xisbiyo kale oo aan ahayn midka Anwar, sida xisbiga UMNO.

    Haddii la waayo isbahaysi heli kara 112 xubnood, oo ah tirada aqlabiyadda baarlamanka, waxaa la qaban doonaa doorasho cusub, sida uu sheegay qof ku dhow xisbiga Mahathir.

    Anwar ayaa Axaddii xisbiga Mahathir ee Bersatu ku eedeeyey inay jaajuusiin ku dhex-sameysteen xisbigiisa PKR, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dowlad cusub lasoo dhistaan UMNO.

    Xaaska Anwar, Wan Azizah Ismail ayaa ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, waxayna noqon doontaa qofka ugu sarreeya dowladda, haddii la aqbalo is-casilaadda Mahathir.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.